Israa’iil oo weerar culus ku qaadday Qasa ‘si ay u qabsato una maamusho’
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay billaabeen duullaan ballaaran oo ay ku doonayaan in ay ku jabiyaan Xamaas, ayna u xaqiijiyaan xorriyadda dadka ay ku haystaan Qasa.
Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa ku sheegay bartooda Hebrew ee X in ay u abaabuleen ciidan si ay ula wareegaan “goobaha istaraatiijiga ah” ee marinka.
Saraakiisha wasaaradda caafimaadka iyo difaaca rayidka oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ay ku dhinteen ilaa 250 qof tan iyo Khamiistii.
Israa’iil ayaa xayiraad dhanka gargaarka ah ku soo rogtay marinka bishii Maarso ka dib markii ay burburtay xabbad joojin laba bilood ah. Donald Trump, madaxweynaha Mareykanka, ayaa Jimcihii sheegay in “dad badan ay gaajo ugu dhimanayaan” Gasa