Qaramada Midoobay oo seegtay waqtigii maalgelinta howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku guuldareystay inuu waqtigii iskiis u dejiyay โ€” 15-ka May โ€” ku ansixiyo qaraar maalgelin ah ee la xiriira howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Tallaabadan dib u dhaca ah ayaa mugdi weyn gelinaysa mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), xilli dhaqaale xumo baahsan ay taagan tahay, ayna wali cakiran tahay xaaladda amniga gudaha dalka Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa la filayay in uu cod u qaado hirgelinta qaab maalgelineed isku dhaf ah (hybrid model), si loo taageero AUSSOM, oo beddeshay hawlgalka ATMIS. Hase yeeshee, Mareykanka ayaa si cad uga digay in qaabkan hybrid-ka ah, haddii si degdeg ah loo hirgeliyo, ay Qaramada Midoobay dusha saaran karto in ka badan 90% kharashaadka howlgalka, taasoo dhaafsan xadka dhaqaale ee la isla oggolaaday.

Mareykanka wuxuu soo jeediyay in muddo laba sano ah lagu dhammeystiro maalgelinta AUSSOM iyo in si tartiib tartiib ah loo xalliyo caqabadaha miisaaniyadda ee AUSSOM.

Dhanka kale, Midowga Yurub iyo waddamada la isku yiraahdo “A3 plus” (Algeria, Mozambique, Sierra Leone, Guyana) ayaa iyagana ka digay in dib u dhaca maalgelinta AUSSOM uu si weyn u carqaladeyn karo dadaallada xasilinta Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker