‘Kumanaan baabuur gargaar ah ayaa sugaya inay galaan Qasa’ – sarkaal ka tirsan WHO,
Wakiil ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in afarta ilaa shanta bilood ee soo socota, “nus milyan qof ay ku jiri doonaan xaalad masiibo ah” haddii ay sii socoto xannibaadda gargaarka ee Israa’iil.
Isagoo la hadlayay BBC-da, Rik Peepercorn wuxuu sheegay in WHO ay si wanaagsan gargaar u diyaarisay markii xabbad joojin gaaban la isku afgartay bartamihii Janaayo, laakiin sahayda ay hadda “si dhab ah u sii yaraanayso”.
“Waxaan ku dhibtooneynaa inaan bixinno sahayda,” ayuu yidhi, isagoo xoogga saaraya: “Dhammaan sahaydu waxay ka gudbeen xadka.”
“Taasina waxay u badan tahay inay tahay dhank ugu xanuunka badan – in kumanaan ka mid ah baabuurtan ay sugayaan inay galaan Gasa.”