Hindiya Oo Sheegtay In Gantaal Ay Rideen Si Khaldan Ugu Dhacay Pakistan
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Hindiya ayaa la sheegay inay qiratayย gantaal dalka Pakistan 9-kii bishan uu ahaa mid si khaldan loo riday oo ka yimid dhanka Hindiya, haddana uu socdo baadhitaan heer sare ah oo la xidhiidha dhacdadaas.
Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yidhi: “Gantaalka si khaldan ayaa loo riday 9-kii March, waxaana sababtay cillad farsamo oo ku timid tijaabooyinka caadiga ah.”