Dawladda Sweden Oo Galeysa Heshiis La Xidhiidha Talaalka Covid-19

Dowladda Sweden ayaa imminka ku howlan qorshe caalami ah oo lagu xaqiijinayo in talaaalka cudurka Covid-19 laga heli karo Sweden sida ugu dhaqsiyaha badan ee lagu diyaariyo talaalkaasi.

 

” Dowladda maanta waxay goโ€™aan ku gaartay in Swedenย  ka qeyb qaadato heshiis wadajir oo midowga Yurub oo lala gelayo shirkadda Astra Zeneca heshiiska waxuu inoo sahlayaa in aan talaalka Covid-19 marka la aqbalo isticmaalkiisa, heshiiska waa tallaabo muhiim ah oo ay Sweden u qaaday helitaanka talaalka ”ย  ayuu yidhi raโ€™iisal wasaare Stefan Lรถfven.

 

Wasiiradda arrimaha bulshada Lena Hallengren oo iyana ku wehlisay raโ€™iisal wasaaraha shirka jaraaโ€™id e lagu shaaciyay arrinkan ayaa sheegtay in heshiiska uu yahay in la soo saaro 300 milyan oo tallaal kaasi oo loo qeybinayo dalalka heshiiska qeyb ka ah oo midowga Yurub kolka laga soo tago ay ku jiraan dalalka Norge, Switzerland iyo Island. Sweden ayaa u qeybin doonto Norway iyio Island qeybtooda halka iyana ay heli doonto lix milyan oo talaal.

 

Wasiiradda ayaa sheegtay in marka la fasaxo talaalka uuna soo gaadho Sweden in lagu bilaabi doon dadka u nugul cudurka iyo shaqaalaha goobaha daryeelka caafimaadka iyo waayeelka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker