Wasiirka warfaafinta Puntland: Waxaan soo iibsanay diyaarado wax duqeeya iyo kuwo loogu talagalay gargaarka degdegga ah
Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in maamulkoodu uu iibsaday diyaarado dagaal.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaligda ee BBC, ayaa xaqiijiyay in warkaasi yahay mid sax ah.
“Waxaa la keenay diyaarado dagaal, kuwa wax duqeeya, iyo sidoo kale helikabtaro loogu talagalay gargaarka degdegga ah,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirka warfaafintu sheegay, in Puntland ay leedahay awood dhaqaale oo ay ku iibsan karto diyaarado, isla markaana aysan cid kale kala tashan arrintaas.
Si kastaba ha ahaatee, wasiirku ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee diyaaradaha lasoo iibiyay, balse wuxuu xusay in hawlaha diyaaradahaasi ay qayb ka yihiin howlgal ballaaran oo ka dhan ah ururka ISIS, kaasoo uu sheegay inuu socday tan iyo bishii January ee sanadkan.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafintu wuxuu caddeeyay in Puntland ay hawlgalladaasi qaaday iskeed, iyadoo aan helin taageero gudaha ah.
Wuxuu sheegay inay jirto taageero caalami ah oo ay ka mid yihiin dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasoo ka caawiyay Puntland dagaalka ay kula jirto ururka Daacish.