Hogaamiyaha Suuriya iyo Donald Trump oo kulmay

Waxaa magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ku kulmay hogaamiyaha Suuriya, Axmed al-Sharaa iyo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, sida laga soo xigtay warar ka soo baxaya magaalada caasimadda ah ee Riyadh.

Hogaamiyeyaasha labadann dal ayaa kulankoodi ugu dambeeyay yeeshay sanadkii 2000. Trump waxaa uu sheegay inuu kulankani ahaan doono “salaan un”

Kulankani ayaa la sheegay inuu ahaan doono mid kooban. Wuxuu sidoo kale noqonayaa kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan hogaamiyeyaasha Mareykanka iyo Suuriya muddo 25 sano ka dib.

Shacabka Suuriya ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Dimishiq, si ay ugu dabaaldegaan go’aanka Donald Trump uu uga qaaday cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka oo muddo saarneed.

Wixi ka soo baxa kulankooda, halkan ayaan idinkula socodsiin doonaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker