Weriye caan ah oo lagu dilay Qasa

Ilo caafimaad oo ku sugan magaalada Qasa ayaa sheegaya, in weriye sawirqaade Falastiini ah oo si weyn loo garanayay lagu dilay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ku bartilmaameedsatay xarun caafimaad.

Xassan Aslih ayaa ku sugnaa isbitaalka Nasser ee magaalada Khan Younis muddo ku dhow bil, kadib markii uu hore ugu dhaawacmay duqeyn hore.

Milatariga Israa’iil ayaa ku eedeeyay inuu ku lug lahaa weerarkii Xamaas ee Israa’iil ku qaaday Oktoobar 7-deedii sanadkii 2023-kii.

Waxa uu daabacay tobanaan sawiro iyo muuqaalo muujinaya weerarka ka dhacay gudaha dhulka Israel.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ay weerar qorsheysan ku qaadeen xarunta taliska Xamaas ee ku taal dhismaha isbitaalka Naasir.

Mr Aslih waxa uu sanado ka soo shaqeeyay Gaza isaga oo ah wariye madax banaan oo la shaqeeya wakaaladaha wararka caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker