Garowe oo kufsi loogu geystay labo gabdhood oo kasoo jeeda qoysaska soo barakacay

Isbitaalka Guud ee Garowe ayaa la gaarsiiyay labo gabdhood oo carruur ah oo walaalo ah, kuwaas oo loo geystay kufsi, sida ay warbaahinta HOL u xaqiijiyeen maamulka isbitaalka oo baaritaan ku caddeeyay jiritaanka kufsiga gabadhahan.

Labadan gabdhood oo da’dooda lagu kala sheegay 8 jir iyo 10 jir, ayaa kasoo jeeda qoysas barakacayaal ah oo ku nool magaalada Garowe, waxayna ahaayeen carruur ku shaqeysan jiray Baalashka, si ay u caawiyaan maaraynta nolol maalmeedka qoyskooda.

Hay’adda Dambi Baarista Puntland ee CID ayaa gacanta ku haysa baaritaanka kiiskan. Inkastoo xiriirro kala duwan aan la sameynay masuuliyiinta hay’adda, nooma aysan suurto gelin inaan ka helno wax faahfaahin ah oo dheeri ah.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in labada gabdhood uu gaari kusoo ku xeystay nin shacab ah, kaasoo geeyay meel bannaan ah oo ka baxsan magaalada Garowe, halkaas oo uu kufsaday, kadibna uga tagay goobtii uu falka ku geystay.

Illaa iyo hadda lama hayo cid loo qabtay falkan kufsiga ah, inkastoo hay’adaha ammaanku ay wadaan baaritaano kala duwan oo lagu doonayo in lagu helo eedeysanaha.

Sanadihii ugu dambeeyay ayaa magaalada Garowe iyo guud ahaan Puntland waxaa si isa soo tarayay kororka carruurta, gaar ahaan gabdho yaryar, oo qoysaskooda usoo diraya shaqooyinka Baalashka si ay uga qeyb qaataan maaraynta  qoyskooda.

Arrintan ayaa sare u sii qaaday khatarta ay carruurtani wajahaan, oo ay ku jirto kufsi iyo tacaddiyo kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker