Zelenesky oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Putin
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in Kyiv ay diyaar u tahay inay la kulanto Ruushka lana yeelato wadahadallo xabbad joojin ah.
Isaga oo aan si toos ah uga jawaabin martiqaadka Putin ee wadahadallada Istanbul, wuxuu yiri: “Waa calaamad wanaagsan in Ruushku ugu dambeyntii bilaabay inuu tixgeliyo joojinta dagaalka.”
Wuxuu intaas ku daray: “Dunida oo dhan ayaa tan sugaysay muddo aad u dheer. Tallaabada ugu horreysa ee si dhab ah loogu soo afjarayo dagaal kasta waa xabbad-joojin.”
“Ma jirto wax macno ah oo lagu sii wado dilka xitaa hal maalin. Waxaan filaynaa in Ruushka uu xaqiijiyo xabbad-joojin buuxda, waarta, oo la isku halleyn karo – laga bilaabo berri, 12 May, Ukraine-na waxay diyaar u tahay inay kulmaan.”