Puntland oo difaacday xidhiidhka wadashaqaynta ah ee u bilowday iyaga iyo Somaliland

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid Juxa, ayaa difaacay xiriirka wadashaqeyneed ee dhawaan u bilowday Puntland iyo Somaliland.

Wasiir Juxa oo la hadlayay warbaahinta. ayaa sheegay in xiriirkaasi uusan ahayn mid lagu waxyeeleynayo maamulka SSC-Khaatumo, balse uu salka ku hayo iskaashi dhanka amniga ah oo labada dhinac ay ka wadahadleen.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in wadashaqeyntaasi ay bilaabatay kadib markii la is dhaafsaday maxaabiis, taasoo noqotay tallaabadii ugu horreysay ee lagu dhisayo kalsooni.

Waxa uu intaas ku daray in labada dhinac ay danaynayaan in ay ku wada noolaadaan derisnimo, is-ixtiraam iyo nabad.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay, Puntland in aysan marnaba kasoo horjeedin in dadka reer SSC ay yeeshaan maamul ay u madax bannaan yihiin, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la isugu yimaado madal lagu kala baxo, si loo noqdo labo maamul.

Juxa ayaa duray tallaabooyinka ugu dambeeyay ee uu qaaday hoggaamiye Firdhiye, isagoo sheegay in aanu in tallaabooyinkaas ay ka turjumayn waxa ka dhaxeeya labada maamul, balse wuxuu sheegay in Puntland mar walba ixtiraamayso rabitaanka SSC Khaatumo, sidoo kalena ay weli sii wadayan taageerada ay u fidiyaan maamulka SSC.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker