Dowladda Suudaan oo Dowladda Soomaaliya u gudbisay cabasho ah ka dhan ah Puntland oo lagu eedeeyay taageerada jabhadda RSF
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Sudan ayaa si rasmi ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu gudbisay cabasho ka dhan ah maamulka Puntland, cabashadaas oo ah in Puntland ay si dadban uga qeyb qaadanayso dagaalka sokeeye ee ka socda Sudan.
Warqad rasmi ah oo loo diray Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ilo xog-ogaal ah oo maxalli ah iyo kuwa caalami ah ay muujinayaan in Puntland ay taageero istiraatiiji ah iyo mid saadka ah siineyso ciidamada RSF (Rapid Support Forces), oo ah malayshiyaad si weyn loogu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay gudaha Sudan.
Warqadda waxaa lagu sheegay in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uu noqday xarun isugu jirta safarro iyo sahay ciidan oo ay isticmaalaan ciidamada RSF, iyadoo la tuhunsan yahay in taageeradaasi ay kasoo jeeddo dalal shisheeye, oo ay ku jirto Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale, Dowladda Sudan waxay muujisay dareen culus oo ku aaddan hadal uu jeediyay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Diriir, oo si buuxda u beeniyay in Puntland wax xiriir ah la leedahay xiisadda Sudan. Sudan waxay sheegtay in hadalkaasi uu yahay marin-habaabin iyo isku day lagu daboolayo kaalinta Puntland ee la xiriirta taageerada RSF.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sudan waxay sidoo kale tilmaantay in Wasiir Maxamuud Ceydiid uu haysto dhalashada British-ka ah, taasoo keentay in Safaaradda Sudan ee London ay si rasmi ah ula xiriirto dowladda UK si ay uga hadasho saameynta hadalladiisa.
Inkasta oo Sudan ay sheegtay in ay la leedahay xiriir walaaltinimo iyo diblomaasiyadeed oo wanaagsan shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, haddana waxay si cad u sheegtay in taageerada Puntland u fidinayso RSF loo arko khatar weyn oo liddi ku ah amniga qaranka Sudan, islamarkaana dhaawici doonta xiriirka labada dal.
Sudan waxay si adag u sheegtay in aysan aqbali doonin in RSF ama hoggaankooda ay helaan taageero siyaasadeed, ciidan, ama saadka ah, iyadoo lagu eedeeyay in ay masuul ka yihiin dilka kumannaan qof oo rayid ah iyo xasillooni darro baahsan oo gobolka Suudaan.
Ugu dambeyn, Dowladda Sudan waxay ka codsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto arrintan, tallaabo sax ah ka qaaddo, islamarkaana ay mar kale caddayso mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida Sudan iyo nabadda gobolka.