𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐥𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Maalinta Qaran ee Iskaalmaysiga Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo noqon doonta 10-ka bisha May, taasi oo la xusi doono sannad kasta.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasibadda ayaa waxa uu yidhi:
“Maalinta Iskaalmaysiga Shacabku waa maalin u gaar noqon doonta kor u qaadista iyo xoojinta barnaamijyada iskaalmaysiga ummadeena, isu naxariisashada, caawinta dadkeena baahan, iyo isu wacyi-gelinta qiimaha ay leeyahay Iskaalmaysigu.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maalintani ay noqon doonto maalin bulshada JSL lagu dhiirrigelinayo bixinta sadaqadda, sakada, iyo in la helo ilo dadka saboolka ah kaalmo loogu raadin karo. Si dibadeed aynu Qaran ahaan u gudanno waajibka innaga saaran caawimada dadkeenna baahan iyo xoojinta cadaaladda bulsho.
Madaxweynaha JSL oo ka hadlayay sababta munaasibaddan loogu qabtay Xarunta Agoomaha iyo Daryeelka Carruurta waxa uu yidhi:
“Sannadkan waxa aan doorannay in Xarunta Agoontu ay noqoto halka aan barnaamijkan kaga dhawaaqayo, si ay inoo xasuusiso xilka dhammaanteen innaga saaran daryeelka iyo ka warhaynta agoonta, iyo in aan taageero la taaban karo oo joogto ah aynnu siinno dadkeenna baahan.”
Dhinaca kale, isla munaasibaddan khayriga ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku dhawaaqay aasaaska Sanduuqa Qaranka ee Daryeelka Agoonta Xukuumaddu ay ku shubayso lacag dhan $100,000.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in uu ka Madaxweyne ahaan dammaanad qaadayo Waxbarashada, Caafimaadka, Nolosha iyo Shaqada ubadka yaryar ee lagu xannaaneeyo Xarumaha Agoomaha iyo Daryeelka Qaranka.