Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka qeyb galay aas Qaran oo loogu sameeyey Marxuum Ganacsade Maxamed Xaaji Cabdilaahi Abu Site

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta xabaalaha Boqol Jire ee magaalada Hargeysa kaga qeyb galay aas Qaran oo loogu sameeyey Marxuum Ganacsade Maxamed Xaaji Cabdilaahi Abu Site oo maalintii shalay aheyd ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey ganacsade kaalin weyn ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo dib u xorayntiiba, maalkiisana kaga qayb qaatay halgankii iyo hayaankii dheeraa ee nabadda iyo xasilinta dalka waxa aanu mar kale tacsiyeynayaa Ehellada, Qaraabada iyo Qoyska ballaadhan ee reer Abusite, meel kasta oo ay ku nool yihiinba.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker