Halka Iiraan ay ka taagantahay dagaalka Pakistan iyo Hindiya

Iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Araghchi, waxa uu booqday labada dal ee Pakistan iyo Hindiya toddobaadkan.

Iran ayaa cambaareysay weerarkii Pahalgam waxayna sidoo kale soo bandhigtay inay dhexdhexaadin doonto labada dhinac, si loo dejiyo xiisadda labada dal .

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa khadka taleefanka kula xiriiray raysal wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, si uu u cambaareeyo weerarkii Pahalgam ka dhacay laba todobaad ka hor, wuxuuna sidoo raysal wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif kala hadlay xiisadda.

Iiran iyo Pakistan waa wadamo jaar ah, waxaana jira xuduud dheer oo u dhaxaysa labadaas dal. “Iran waxay jeclaan lahayd in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro dagaalka Hindiya iyo Pakistan, sababtoo ah haddii colaada gobolka ay ka sii darto, waxaa laga yaabaa in Iran ay saameyso maadaama ay xadka ay la wadaagto Pakistan.” Ayuu yiri khabiir.

Ilaa hadda ma jiro wadan ay Iiraan la safatay ka dib weerarkii ay Hindiya dhawaan ku qaaday Pakistan.

Dhanka kale, xiriirka ganacsi ee Hindiya iyo Iran ayaa ahaa mid xooggan sababtoo ah sababo la xirriira arrimo taarikheed, mid istiraatijiyadeed iyo dhaqaale. Sannadkii 2022 ilaa 2023-kii, ganacsiga u dhexeeya Hindiya iyo Iran wuxuu ahaa ku dhawaad $2.5 bilyan.

Hindiya waxa ay Iran u dhoofisay badeecooyin qiimahoodu dhan yahay $1.9 bilyan halka Iran ay Hindiya u dhoofisay alaabo qiimaheedu dhan yahay $600 milyan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker