Dawladda Maraykanka Oo Weerar Ku Qaaday Shirkadda TIKTOK Oo Laga Leeyahay Dalka Shiinaha
Warbaahinta casriga ee ay bulshadu ku xadhiidho ayaa saamayn badan ku yeelatay qaabka ay dadku u kala war-qaataan, arrintan ayaa ah mid walaac ku abuurtay waalidiinta iyo sharci-dejiyayaasha caalamka.
TIKTOK ayaa ka mid ah baraha xidhiidha bulshada ee sida weyn ay u xiiseeyaan da’yarta caalamka, waxaana wararku ay sheegayaan in barta TIKTOK oo laga leeyahay dalka Shiinaha ay soo dejisteen Balaayiin dhalinyaro ah.
Sharci-dejiyaayasha Maraykanka ayaa walaac badan ka muujiyay saamaynta ay ku yeelan karto nabadgaliyada iyo dimuqraadiyadda shacabka Maraykanka.