Tanzania oo Maamnuucay Adeegsiga Lacgta Doolarka
Dawladda Tanzania ayaa gebi ahaanba joojisay adeegsiga lacagta Dollar-ka ah iyo gebi ahaanba lacagaha shisheeye. Waxana dadka haysta lacagaha qalaad ama dalkaas la taga lagu amray in ay u beddelaan Shilling ka dalka Tanzania.
Xukuumadda Daraasalaam ayaa sheegtay in tan looga dan lee yahay si kor loogu qaado qiimaha lacagta qaranka oo hadda wajahaysa culays kaga imanaya adeegsiga lacagaha uu Dollar-ku ugu horreeyo.