Israa’iil oo taageero u muujisay Hindiya ka dib weerarkii Pakistan

Israa’iil ayaa ka hadashay weerarkii gantaal ee ay Hindiya ku qaaday Pakistan.

Safiirka Israa’iil u fadhiya Hindiya, Reuven Azar, oo falcelin ka bixiyay weerarkan, ayaa sheegay in “Israa’iil ay taageereyso xuquuqda is difaacidda Hindiya”.

Argagixisadu waa inay ogaadaan inaysan haysan meel ay kaga dhuuntaan dambiyada foosha xun ee ay u geysanayaan dadka aan waxba galabsan,” ayuu yiri safiirka Israa’iil oo qoraal soo dhigay bartiisa X.

Hindiya ayaa weerarradan ugu magac dartay ‘Howlgalka Sindoor’.

Wasaaradda Difaaca Hindiya ayaa sheegtay in weerarro lagu qaaday sagaal kaabayaal argagixiso oo ku yaalla Pakistan iyo magaalooyinka Jammu iyo Kashmiir oo Pakistan ay maamusho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker