Doorashada Pope-ka cusub oo maanta dhacaysa

Fiidnimada maanta, kaniisadda Michelangelo’s Sistine Chapel, ilaa 133 baadari ayaa u codeyn doona doorashada pope-ka 267aad ee Kaniisadda Kaatooligga.

Maalinta ayaa bilaaban doonta 10:00 (09:00 BST) iyadoo la isugu imaan doono kaniisadda St Peter’s Basilica. Howsha doorashada oo telefishinnada laga baahin doono, ayaa waxaa maamuli doona Giovanni Battista Re, oo ah 91 jir sidoo kalena maamulayay aaskii Pope Francis.

Galabta, adeegga moobilka ayaa laga xannibi doonaa gudaha Vatican-ka si looga hortago in qof dadka codeynaya ku jira uu dibadda la xiriiro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker