Ciidamo Puntland ka tirsan oo faaruqiyaay furimaha Calmadow xilli Puntland ku dhawaaqday Howlgalka “Unkod”
Ciidamo ka tirsan Puntland oo kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa isaga baxay furimaha dagaal ee Galgala, Afurur iyo Bali-Khadar oo ku teedsan buuraha Calmadow, iyagoo gaaray deegaanka Cowsane ee gobolka Sanaag.
Ciidamadan oo sameeyay gadood ayaa sheegay inay isaga baxeen furimaha dagaalka si ay uga qeyb qaataan, sida ay hadalka u dhigeen, “xoraynta magaalada Ceerigaabo”, halkaas oo ay sheegeen in dadkoodii laga barakiciyay.