Suudaanta Koofureed: Weerar loo geystay isbitaal iyo suuq oo ay toddobo qof ku dhinteen
Ugu yaraan toddobo qof ayaa dhintay kadib markii isbitaal iyo suuq lagu weeraray Suudaanta Koofureed, sida ay sheegtay hay’ad samafalka caafimaadka ka shaqeysa, iyadoo uu sii kordhayo walaaca laga qabo in xaaladdu isu beddesho dagaal sokeeye.
Hay’adda Dhaqaatiirta aan Xudduudda Lahayn ee (MSF) ayaa sheegtay in helikobtar hub sidda ay bam ku ridday isbitaalka ay maamusho ee Old Fangak, ee gobolka Jonglei, kaasoo digada noqday, kahor inta aysan diyaaraddu rasaas ku harqin magaalada muddo 30 daqiiqo ah. Diyaarad aan duuliye la socon ayaa kadibna bam ku ridday suuq isla aaggaas ku yaalla, sida ay sheegtay MSF.
Isbitaalka waa kan keliya ee ku yaalla deegaanka Fangak, oo ay ku nool yihiin bulsho ka badan 110,000, sida ay sheegtay MSF, sidoo kalena waxaa la burburiyay dhammaanba saadkii caafimaad.