James Risch: Soomaaliya waxay u hoggaansantay dalabaadka aan caqli galka ahayn ee Shiinaha
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Senet-ka Maraykanka, James Risch, ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay u hoggaansantay Shiinaha.
Risch ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in xayiraadda ay Soomaaliya saartay baasaboorka Taiwan ay muujinayso in ay ku shaqaynayso dalabaadka Shiinaha.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sheeganayso Somaliland, laakiin dhulkii ay sida rasmi ah gacanta ugu haysay uu gabaad u yahay ka ganacsiga hubka iyo kooxaha argagixisada ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Diidmada Soomaaliya ee waraaqaha socdaalka Taiwan waxay muujinaysaa in dowladda Soomaaliya ay adeecday dalabaadka aan caqli galka ahayn ee Shiinaha, isla markaana ay sheeganayso Somaliland, laakiin dhulka ay maamusho wuxuu xarun u yahay ka ganacsiga hubka iyo kooxaha xagjirka ah. Waa iska hor imaad cad,” ayuu yidhi Risch.
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Koongareeska Maraykanka, oo Jimcihii waraaq hanjabaad ah u diray Safaaradda Soomaaliya ee Washington, ayaa sheegay in Maraykanku cadaadis diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale saari doono Soomaaliya haddii aysan si degdeg ah uga noqon go’aankeeda xayiraadda baasaboorka Taiwan.
Jawaabta durba ka timid Golayaasha Maraykanka ayaa salka ku haysa Xeerka Ilaalinta Taiwan (Taipei Act), oo sanadkii 2020 si rasmi ah ay u ansixiyeen Golayaasha Maraykanka. Xeerkan ayaa faraya dowladda Maraykanka in ay cadaadiso dowlad kasta oo carqaladaynaysa danaha Taiwan, isla markaana ay taageerto cid kasta oo la shaqaysa Taiwan.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Sabtidii sheegay in dowladdiisu ay qaaday tallaabada xayiraadda baasaboorka Taiwan kadib markii ay ka war heshay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan uu imanayo Somaliland waxa kale oo uu beeniyay in Shiinuhu ku qasbay tallaabadan.