Dowladda Maraykanka oo qorshaynaysa in ay joojiso maalgelinta dagaalka lagula jiro kooxaha Shabaab iyo Daacish
Dowladda Maraykanku ayaa qorshaynaysa in ay joojiso maalgelinta dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya, ilaa iyo inta Midowga Yurub (EU), Midowga Afrika (AU), iyo Qaramada Midoobay (UN) aysan bixin wax ka badan qaybtooda ku aaddan kharashaadka hawlgallada nabad ilaalinta iyo la-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya.
Qorshahan cusub waxaa lagu muujiyey sharci cusub oo ay soo diyaariyeen saddex Senator oo xisbiga Jamhuuriga ah: Jim Risch (Idaho), Ted Cruz (Texas), iyo Rick Scott (Florida), kuwaas oo dhammaantood xubno ka ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senet-ka Mareykanka. Sharcigan cusub oo la yiraahdo “Xeerka Xaddidaadda Maalgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Degenaanta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) 2025” ayaa looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo canshuur bixiyeyaasha Mareykanka iyo in lala xisaabtamo AU iyo UN-ka.
Senator Risch ayaa sheegay in “sharcigan uu muhiim u yahay ilaalinta lacagaha canshuurta Mareykanka, isla markaana lagu qasbayo hay’adaha caalamiga ah inay qaataan mas’uuliyadda ay leeyihiin.”
Dalka Soomaaliya waxaa tobannaan sano ka jiray dagaallo iyo weerarro joogto ah oo ay geysanayaan kooxaha xagjirka ah sida ISIS iyo al-Shabaab. Shan usbuuc ee la soo dhaafay, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inuu qaaday afar duqeyn – saddex ka mid ah ISIS iyo mid al-Shabaab – halka qaar ka mid ah duqeymuhu ay bartilmaameedsadeen dhowr goobood oo muhiim ah.
Risch wuxuu intaas ku daray in dalalka Yurub ay doonayaan in ay hoos u dhigaan doorkooda maalgelinta hawlgallada AUSSOM, iyadoo culayska la saaray Mareykanka. Wuxuu sheegay in “Yurub ay u muuqato mid ka leexanaysa ballanqaadkeedii iyadoo adeegsanaysa hab cusub oo miisaan la’aan ah oo Mareykanka kusii kordhinaya kharashaadka.”
Sharcigan cusub ayaa ujeedadiisu tahay:
Ilaalinta Dhaqaalaha Mareykanka: Waxaa laga hor istaagi doonaa in Mareykanku bixiyo dhaqaale la xiriira hawlgalka AUSSOM haddii uu hoos yimaado qaraarka UNSCR 2719, iyadoo sidoo kale laga hortagayo tallaabo kasta oo Golaha Ammaanka ee UN-ku qaadayaan oo suurtagelin karta maalgelintaas.
Kormeer Joogto ah: Waxaa lagu waajibinayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka inuu sannad kasta sameeyo qiimeyn madax-bannaan oo ku saabsan sida AU u fulinayso qodobada ku xusan UNSCR 2719 ee khuseeya hawlgal kasta oo uu hoggaaminayo AU.
Hufnaan iyo Isla Xisaabtan: Warbixin dhamaystiran ayaa loo gudbin doonaa Congress-ka si loo ogaado heerka waxqabadka AUSSOM, sida loo adeegsaday dhaqaalaha, iyo haddii Mareykanku wax ka bixiyay.
La-tashi la Xoojiyay: Warbixinada ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu siiso Congress-ka ayaa lagu dari doonaa xog gaar ah oo ku saabsan hawlgallada AU ee uu Mareykanku taageero.
Senator Scott ayaa isna yiri, “Mareykanku ma ogolaan doono in lacagaha canshuur bixiyeyaashiisa lagu takri falo, iyada oo aan hay’adaha kale bixin qaybtooda mas’uuliyadda, gaar ahaan marka hawlgalka aan la marsiinin isla xisaabtan iyo hufnaan.”
Waxaa la filayaa in sharcigan uu dhalin doono dood ballaaran oo ku saabsan doorka Mareykanka ee hawlgalka Soomaaliya, iyo mas’uuliyadda ay la wadaagayaan la-hawlgalayaashooda caalamiga ah.