Dabley aan la garanayn haybtooda oo Labo qof oo shacab ah ku dilay magaalada Garowe

Koox hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe laba nin oo rayid ah ku dishay magaalada Garowe, caasimadda Puntland.

Mid kamid ah labada marxuum ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ilaalada hoteel ku yaalla magaalada Garowe, halka ninka kale uu ahaa qof shacab ah oo ay qaraabo ahaayeen.

Sida uu sheegay maamulka Hoteelka falku ka dhacay, Kooxda dilka geysatay ayaa madaxa iyo dhabarka ka toogtay labada marxuum, iyadoo markiiba goobta uga baxsaday si degdeg ah.

Dilkan ayaa wuxuu ka dhacay meel aad ugu dhow xarumaha dowladda oo ay ka mid yihiin Maxkamadda Gobolka Nugaal iyo xafiisyada maamulka gobolka.

Ciidamada Booliiska Puntland ayaan weli ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadka falka ka dambeeya, hase yeeshee waxay sheegeen inay wadaan baaritaanno, isla markaana ay raadraac ugu jiraan kooxdii weerarka geysatay.

Wararka laga helayo ehelada labada marxuum ayaa sheegaya in ay diideen in la aaso maydadka ilaa ay dowladda keento cidda mas’uulka ka ah dilalkaas.

Garowe oo caan ku ahayd xasillooni iyo amni, ayaan hore loogu baran dilalka noocaan oo kale ah. Inta badan dilalka horey uga dhici jiray magaalada waxay la xiriireen dadka isticmaala maandooriyaha, balse dilkan cusub ayaa si weyn u gilgilay dareenka shacabka,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker