Puntland oo sheegtay inay ka hortagtay weerar kooxda Daacish kusoo qaadday ciidamadeeda

Ciidamada difaaca Puntland ayaa la sheegay inay iska caabiyeen weerar habeenkii xalay ay kooxda Daacish ku qaadday fariisin ciidan oo ku yaalla deegaanka Dasaan, oo kamid ah meelihii dhowaan laga xoreeyay kooxdaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in laamaha amnigu ay hayeen xog ku saabsan weerarka Daacish, taas oo suuragelisay ciidamada in ay iska difaacaan kooxda weerarka soo qaadday.

Saraakiishu waxay sheegeen in dagaalamayaashii weerarka fuliyey lagu jebiyay dagaalka, islamarkaana ay ka carareen goobta iyagoo uga tegay maydadkooda.

Sida laga soo xigtay guutada labaad ee ciidanka difaaca Puntland, tiro kamid ah Daacish ayaa is qarxiyay kahor inta aysan gaarin difaacyada hore ee ciidamada, halka inta kale lagu dilay iska caabinta ay ciidamadu sameeyeen.

Ilaa hadda lama shaacin tirada rasmiga ah ee dagaalamayaasha Daacish ee weerarka kusoo qaaday deegaanka Dasaan. Waxaa la ogaaday in qaar kamida ah ay baxsadeen.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maamulka Puntland uu sheegay inuu marayo gabagabo wajiga saddexaad ee howlgalka Hillaac ee ka dhanka ah Daacish.

Dhinaca kale, khubaro dhanka ammaanka ah ayaa sheegaya in weerarkan uu muujinayo in awoodda ay weli leedahay kooxda Daacish ah, maaddaama ay dib usoo weerarayaan deegaannadii laga saaray bilo kahor.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker