Puntland: Madasha Wadatashiga kuma noqonayno xalna uma keeni karto waxyaabaha la isku hayo
Wasiir u dowlaaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur, ayaa sheegay in Puntland aysan dib ugu laaban doonin shirka Wadatashiga, isagoo sheegay in loo baahan yahay wadatashi ballaaran oo aan ku ekeyn Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo kaliya.
Wasiir Cabdifitaax Cabdi Nuur oo la hadlay BBC Soomaali ayaa sheegay in loo baahan yahay in si siyaasadeed looga heshiiyo khilaafaadka jira, isagoo dhaliilay gogosha shirarka Wadatashiga.
βMadasha waxay Puntland ka dhaqaaqday bishii December 2022. Waxay uga dhaqaaqday waxay ahaayeen isfaham-waa ka dhashay qaabka madaxda Soomaaliya u wajahayaan hannaanka dowlad dhiska. Haddii aan Isfaham laga yeelan wax macno oo ay yeelanayso ma jirto inaan kusoo laabano madashii aanu ka dhaqaaqnay,β ayuu yiri wasiirku
Cabdi Fitaax waxa uu tilmaamay in madashaasi aysan xal u keeni karin arrimaha siyaasadeed ee la isku hayo, islamarkaana loo baahan yahay gogol ballaaran oo ay ka qaybgalayaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in ay ku baaqayaan in shirka Wadatashiga ee Muqdisho ka dhacaya looga doodo ajandayaasha ay soo jeediyeen Puntland iyo Beesha Caalamka, kuwaas oo taabanayaΒ amniga iyo siyaasad loo dhan yahay in laga gaaro doorashada.
Si kasta ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shanta bisha Muqdisho ku qabanaysa shirka Wadatashiga oo la filayo inay ka maqnaandoonaan Puntland iyo Jubbaland.