Ninkii Ameerikaanka ahaa ee sida xun u dilay wiilka Falastiiniga ah oo xukun lagu riday
Milkiile guri oo kasoo jeeda gobolka Illinois ee dalka Mareykanka ee sida xun toorrey ugu dilay wiil lix jir Falastiini-Ameerikaan ahaa sidoo kalena hooyadiis si daran u dhaawacay ayaa lagu xukumay 53 sano oo xabsi ah.
Joseph Czuba, oo 73 jir ah, ayaa bishii February lagu helay dil iyo dembiyo naceyb ah kadib markii uu dilay Wadee Alfayoumi, uuna dhaawacay hooyadiis Hanan Shaheen sanadkii 2023 wax yar kadib markii uu bilowday dagaalkii Israa’iil ee Qasa.
Qoyska ayaa degganaa guriga Czuba ee Plainfield, oo qiyaastii 64 km (40 meyl) u jirta Chicago. Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inuu wiilka yar u bartilmaameedsaday inuu Muslim ahaa awgeed.
Czuba ayaan qiran dembiga loo heysto, balse garsooreyaasha ayaa xukunkan ku riday.