Maraykanka oo Soomaaliya ugu hanjabay in uu tallaabo adag ka qaadi doono haddii ay ka laaban waydo xayiraada ay ku soo rogtay Taiwan.

Xubno ka tirsan Baarlaamanka dalka Maraykanka ayaa warqad hanjabaad ah u diray Safiirka Soomaaliya u jooga Maraykanka Daahir Xasan Cabdi, taas oo ay ku sheegeen in xukuumadda Muqdisho laga qaadi doono tallaabooyin ay ka qoomamayso haddii ay ka laaban waydo tallaabadii ay xayiraada ku saartay dadka haysta Passport-ka dalka Taiwan.

Arrimaha uu Maraykanku ku goodiyey waxa ka mid ah in uu dalkiisa ka soo masaafurin doono dadka haysta Passport-ka Soomaaliga, in uu xidhi doono Safaarada Soomaaliya ee Washington lana caydhin doono shaqaalaha ka hawl gala iyo in gebi ahaanba la soo afjari doono xidhiidhkii Diblumaasiyaadeed iyo kii taageero ee Maraykanku siin jirey Soomaaliya.

Xubnaha Sharci dejinta ee Warqaddan u diray Soomaaliya ayaa cuskanaya xeer uu Maraykanku soo saaray sannadkii 2020-kii kaas oo dhigaya in Maraykanku tallaabo ka qaado cid kasta oo ka hor timaadda danaha dawladda Taiwan.

Soomaaliya oo aad uga cadhootay xidhiidhka sii koraya ee u dhexeeya Taiwan iyo Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhowaan joojisay in ay Soomaaliya yimaaddaan dadka haysta dhalashada Taiwan taas oo uu Maraykanku ku tilmaamay mid meel ka dhac ah oo Soomaaliya ku raalli gelinayso dalka Shiinaha.

Lama oga waxa ay xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud kaga jawaabi doonto hanjabaadda culus ee kaga timi Washington taas oo ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya doonaysay in ay wanaajiso xidhiidhka ay la leedahay dalka Maraykanka oo ay dhinacyo badan kaga tiirsan tahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker