Hay’adaha gargaarka Qasa oo ka digay in ay xidhmaan goobaha lagu kaydiyo cuntada
Hay’adaha gargaarka ee Qasa ayaa ka digay in maalmaha soo socda ay ku qasbanaan doonaan inay xiraan xarumahooda ku haray halkaa ee lagu kaydiyo cuntada oo ay tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah ku tiirsan yihiin.
Laba bilood ayaa laga joogaa markii Israa’iil ay xannibtay dhammaan sahaydii gargaarka ee geli jirtay Qasa.
Waxaa kaloo laga digayaa in tani ay horseedi doonto macluul aan hore loo arag.
Samy Mahdi oo ka tirsan hay’adda ANIra ee gargaarka ayaa arrintan walaac ka muujisay, waxaana uu sheegay in markii hore ay karin jireen Bariis, Hilib iyo Cuntooyin kale oo nafaqo leh, balse hadda aysan jirin wax hilib ah marka laga reebo khudaarta ay Qasa la soo galeen.
Saraakiil sarsare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka cawday waxa ay ugu yeereen cadaadiska iyo jirdilka lagu hayo Falastiiniyiinta.