Boqollaal qof oo lagu xiidhxidhay Istanbul iyo ciidamo la geeyay fagaarayaal ku yaalla magaalada
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa boqolaal qof ku xiray magaalada Istanbul waxaana 50,000 oo askari oo booliis ah loo daabulay magaalada iyagoo isku dayaya inay joojiyaan dibadbaxyo halkaa ka bilowday shalay oo ay ku beegneed maalinta shaqaalaha adduunka.
Gaadiidka dadweynaha ayaa sidoo kale la joojiyay si dadka looga ilaaliyo inay gaaraan fagaaraha Taksim, halkaasoo tan iyo 2013-kii laga mamnuucay dibadbaxyada.
Muuqaal laga soo duubay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa muujinaya iska horimaad dhexmaray ciidamada booliska ee ka hortaga rabshadaha iyo dibadbaxayaasha, iyadoo dibadbaxayaasha ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah dowladda. Booliiska ayaa xiray boqolaal qof waxayna si qasab ah ku geeyeen goobaha dadka lagu hayo.
Magaalada waxaa bishii Maarso ka dhacay mudaaharaadyo waaweyn ka dib markii la xiray duqa magaalada oo ah mucaarad laguana magacaabo Ekrem Imamoglu, oo ah ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Dadweynaha Istanbul ayaa sanad walba 1-da May socod ku mara wadddooyinka, iyadoo ay ay hogaaminayaan shaqaale iyo ururo, taasoo qeyb ka ah dabaaldega maalinta shaqaalaha aduunka ee wadamo badan.