Doon ku caariday xeebbaha Israel oo laga helay dukumentiyo socdaal oo ay leeyihiin sedex qof oo Soomaali ah
Doon caag ka sameysan ayaa ku soo caarisay xeebbaha Israaβiil iyadoo cidina aanay saarnayn maanta oo Axada, kaliya waxa saarnaa alaab u muuqday inay lahaayeen dad muhaajiriin ah.
Saraakiisha Israaβiil ayaa sheegay In doonta ay ka heleen meel ku dhaw xeebta Meditareeniyanka, magaalada Netanya.
Doonta waxa laga helay alaabbo ay kamid yihiin cunto, biyo iyo dukumintiyo socdaal oo ay ku jiraan sedex dukumenti oo Soomaali leedahay.
Booliska ayaa sheegay in ay wali baarayaan dukumentiyada safarka ah ee laga helay doonta.
Sida laga soo xigtay Hayβadda Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay, sanad kan oo kaliya waxa badda meditareeniyanka ka gudbay muhaajiriin gaaraya 187,000 oo qof, waxana la diiwangaliyay dhimashada 2,093 oo qof oo muhaajiriin ah.