Maraykanka oo Si badheedh ah ula Saftay Israaiil Sharcina ku Tilmaamay Deegaamaynta ay ka Wado Daanta Galbeed
Dowladda Mareykanka ayaa beddeshay siyaasaddeedii ku aadaneyd deegaameynta Israel ay ka waddo dhulka Daanta Gaalbeed ee ay ka haysato Falastiiniyiinta, waxaana ay sheegtay in deegaameyntaas aysan ka hor-imaneyn xeerarka caalamiga ah.
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Maqaamka Daanta Galbeed uu yahay mid u yaalla in Israaβiiliyiinta iyo Falastiiniyiinta . Aanay Tahay in ka doodaan.
Deegaameynta Daanta Galbeed ayay Israaiil WadayΒ Tan iyo sanaddii 1967-kii markaas oo ay ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe
Waxay muddo ahaayeen isha muranku ka Taagan yahay eeΒ Israel ay sida Gardarada ah ku Haysato .
βKadib markii aan muddo darisay dhammaan dhinacyada muranku ka dhexeeyoΒ . Dowladda Mareykenka waxay goβaansatay in aas-aaska deegaanadda rayidka Israel ee Daanta Galbeed aysan ka hor-imaneyn xeerarka caalamiga ah,β ayuu Pompeo u sheegay weriyayaasha.
βIn deegaanadaas loogu yeedho kuwa aan waafaqsaneyn Xeerarka caalamiga ah ma Haboona , sarena uma aysan qaadin nabad raadintii.β Ayuu sii raaciyey.
Warka kasoo baxay Pompeo ayaa beddelaya siyaasad soo jirtay muddo 40 sano ah oo Mareykanka uu ku aaminsanaa in deegaameyntaas ay yihiin sharci-darro.
Raβiisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhoweeyey goβaanka dowladda Mareykanka, isaga oo sheegay in is-beddelka siyaasadeed ee Mareykanka uu saxayo βqalad taariikhi ah.β
Dhinaca kale,XubintaΒ wada-XaajoodkaΒ U Qaabilsan Falastiin Saeb Erekat ayaa goβaanka Mareykanka ku qeexay mid halis ku ah βxasiloonida, nabadda iyo ammaanka caalamka,β islamarkaana uu sharciga caalamiga ah ku beddelayo βsharciga darro.β
