Ka bixitaanka Mareykanka ee WHO, oo laga cabsi qabo inuu si weyn u wiiqo mashaariicda caafimaadka adduunka

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digay in go’aanka uu kaga baxayo Mareykanka oo ah dalka ay hay’addu ka hesho deeqda ugu badan uu si weyn u wiiqi doono mashaariicda caafimaadka ee hay’adda Qaramada Midoobay.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Ghebreyesus ayaa ugu baaqay wadamada kale inay sii wadaan wax ku biirinta si aysan u burburin mashaariicda caafimaad ee loogu adeegayo in badan oo ka mid ah dadka saboolka ah ee aduunka.

“Waxaan fahamsanahay in deeq-bixiyeyaashu ay xor u yihiin inay go’aan ka gaaraan halka iyo cidda ay doonayaan inay lacagtooda ku bixiyaan- taas oo ah, guud ahaan waxay haystaan ​​xorriyadda ay lacagtooda ku bixiyaan sida ay rabaan – waxaanan uga mahadcelinaynaa kuwa gacan ka geystay maalgelinta mashaariicda caafimaadka ee caalamiga ah – laakiin waxa na khuseeya waa go’aannada degdegga ah ee la sameeyay si loo gooyo gargaarkan oo kale iyadoo isla mar ahaantaana isbeddello waaweyn ay ku dhacayaan nidaamyada dhaqaalaha iyo ganacsiga ee dadweynaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker