Xildhibaanno laga joojiyay fadhiyada golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka ahna xubno katirsan Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golahaasi.

Sababta fadhiyada looga joojiyay xildhibaannadaan ayaa lagu sheegay arrimo amni dartood, iyadoo sidoo kale guddiga xeerhoosaadka ee Golaha uu ka codsaday guddoomiyuhu in ay talo bixin ka soo sameeyaan talaabooyin ku haboon xubnahaan si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Hase-yeeshee xildhibaannadaan laga mamnuucay in ay ka qayb galaan kulamada baarlamaanka oo qaarkood BBC-da la hadlay ayaa ku eedeyay guddoomiye Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) in uu ku tumanayo sharciga isla markaana uu eedeysane u yahay iyaga.

Kulankii shalay ee golaha shacabka ayaa buuq iyo gacan ka hadal ku dhamaaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker