Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya oo toogasho lagu dilay
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay.Charles Ong’ondo ayaa ka baxay xaruunta baarlamaanka wax yar uun ka hor inta aan la weerarin isagoo ku dhex jira baabuurkiisa waddo mashquul badan oo ku taal Nairobi.
Booliiska ayaa sheegay in gaariga xildhibaan Charles Ong’ondo ay eryadeen labo nin oo watay mooto – mid ka mid ah ayaa istaagay oo dhowr xabadood ku dhuftay.
Darawalkiisii ayaa ka badbaaday weerarka.Xildhibaanka ayaa ka tirsanaa xisbiga siyaasiga ruug cadaaga ah ee Raila Odinga.
Booliska ayaa wali wada baaritaanka kiiskan, iyadoo aan wali gacanta lagu dhigin kooxihii falkaasi ka dambeeyay, si rasmi ahna looma oga sababta dilkaasi ka dambeysay.