Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo laga mamnuucay ka qeyb galka fadhiyada Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka ahna xubno katirsan Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golahaasi.

Sababta fadhiyada looga joojiyay xildhibaannadaan ayaa lagu sheegay arrimo amni dartood, iyadoo sidoo kale guddiga xeer hoosaadka ee Golaha uu ka codsaday guddoomiyuhu in ay talo bixin ka soo sameeyaan talaabooyin ku haboon xubnahaan si waafaqsan Xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Wasiiradaan afarta ah ayaa la arkaayay shalay iyagoo sameenaya gacan kahadal toos ah oo ay ku handadeen Xildhibaano Mucaarad ah waxaana wasiiradaan ay kala yihiin.

1) Xil. Maxamed Cabdulqaad Xaaji (Jeego), oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

2) Xil. Cumar Cali Cabdi, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

3) Xil. Isaaq Maxamed Mursal, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

4) Xil. Maxamed Cusmaan Cumar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qoyska.

Sidoo kale waxaa jiray ku dhawaad 20 Xildhibaan oo Mucaarad ah oo iyaguna buuq iyo fowdo ka dhex sameeyay Golaha Shacabka kuwaasi oo laga mamnuucay inay ka qeyb galaan fadhiyada soo socda ee Golaha Shacabka.
Hase-yeeshee xildhibaannadaan laga mamnuucay in ay ka qayb galaan kulamada baarlamaanka oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeyay guddoomiye Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) in uu ku tumanayo sharciga isla markaana uu eedeysane u yahay iyaga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker