Shirka Wadatashiga Qaran oo maanta qorshaysnaa inuu Muqdisho ka furmo oo dib loo dhigay
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo la qorsheeyay inuu si rasmi ah uga furmo maanta magaalada Muqdisho, ayaa dib loo dhigay kaddib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranka.
War qoraal oo kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay in hoggaamiyeyaasha ay si wadajir ah u go’aamiyeen in shirka la qabto maalinta Isniinta ah oo ku beegan 5ta bisha Maajo 2025.
Lama bixin faahfaahin intaas ka badan, hase ahaatee warar la helayo ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay isku dayayso in shirkan ay kaasoo qeyb galaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ka aragtida duwan dowladda , kuwaas oo ka maqnaa shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha.
Dhawaan, maamulka Puntland ayaa sheegay inuu ku taagan yahay mowqifka ay kaga baxeen shirka wadatashiga, iyagoo sheegay in dowladda Federaalka ay kusoo laabaato xayndaabka sharciga.
Beesha Caalamka oo dabada ka riixaysa qabsomidda shirkan, ayaa dhawaan ugu baaqday Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, iyo dhammaan saamileyda kale inay si degdeg ah u kulmaan si loo gaaro mowqif midaysan oo wax ku ool ah.
Saaxiibada caalamiga ah waxay si gaar ah ugu dhiirrigeliyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay qaataan go’aanno cad-cad oo ku saabsan arrimaha siyaasadda, dastuurka, iyo doorashooyinka si loo abuuro jawi lagu kasban karo taageero dheeraad ah oo caalami ah.