Shiinaha oo soo dhoweeyay go’aanka ay Soomaaliya ku mamnuucday baasaboorka Taiwan
Shiinaha ayaa Soomaaliya ku ammaantay mamnuucidda ay ku soo rogtay dadka wata baasaboorka Taiwan oo laga joojiyay Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya ay u aqoonsan tahay Taiwan inay tahay gobol kamid ah dalweynaha Shiinaha.
“Adduunka waxaa ka jira hal Shiine oo keliya, Taiwan waa qayb aan laga maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha,” ayuu yiri Guo oo hoosta ka xariiqay in Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee 2758 uu xaqiijinayo mabda’a Shiinaha.
Shiinaha ayaa sidoo kale Somaliland u aqoonsan qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, wuxuuna si adag u taageersan yahay dadaalka dawladda federaalka Soomaaliya ee lagu ilaalinayo midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa Talaadadii ka hortimid go’aanka Soomaaliya ay ku joojisay qaabilaadda dadka sita baasaboorka Taiwan.