Nuxurka Qodobada lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland

 

Fadhigii 18-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobada maanta waxa ka mid ahaa:

𝟏) Warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, isoo Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka. Dhinaca kale, Wasiirku, isaga oo shirar iyo wada-tashi buuxa la yeeshay dhammaan Hay’adaha Amniga ee ay khusayso, waxa uu Golaha u sheegay in uu soo saaray go’aan ah in dhammaan Dadka Ajaanibka ah ee dalka Somaliland sharci la’aanta ku joogaa ay muddo 3 maalmood gudahood ah kaga baxaan dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in wixii muddadaa ka dambeeya ay laamaha Amnigu ay dalka ka saari doonaan Dadka Ajaanibka ah ee Somaliland sharci la’aanta ku jooga.

(𝟐) Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka kobcinta Dakhliga Qaranka. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay Talooyin iyo Qorshe wax ku ool ah oo lagu kobcinayo Dhaqaalaha Dalka oo ay soo diyaariyeen Guddi Farsamo iyo Aqoonyahanno ay Wasaaradaha ka soo xuleen Guddi Hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada. Guddida Farsamadu waxa ay si gaar ah hoosta uga xarriiqeen in ay lagama maarmaan tahay in dib u eegis iyo dib-u-habaynba lagu sameeyo Siyaasadda iyo Xeerarka saldhigga u noqon kara Kobcinta Dhaqaalaha Dalka muddo xileedka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Intaa kadib, Xubnaha Golaha Wasiirrada waxa ay dood dheer ka yeesheen qaabka iyo istiraatijiyada ugu habboon ee lagu awoodayn karo kobcinta Dhaqaalaha Qaranka JSL.

𝟑) Warbixin ay soo jeediyeen Guddiga Arrimaha Bulshada oo la xidhiidha Xaaladda Abaaraha dalka ka jira iyo saamaynta xun ee ay ku yeelatay nolosha Dadka, Xoolaha, Beeraha iyo Degaanka: Wasiiradda Arrimaha Bulshada, Waxbarashada, Biyaha iyo Wasiir-ku-xigeenka Beeraha ayaa si mug leh uga warbixiyey saamaynta ay abaaruhu inagu yeesheen. Sidoo kale Wasiiradu waxa ay Golaha u soo jeediyeen in loo baahan yahay gurmad abaabulan iyo Qorshe Qaran oo abaaraha soo noqnoqday wax lagaga qabanayo.

𝟒) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa Golaha Wasiirradda ku soo bandhigay Hindise lagu hirgelinayo Siyaasadda Dal-ku-galka ku xidhan Imaanshaha (Somaliland Visa On Arrival Policy- VOA), waxa aanu faah-faahin ka bixiyey muhiimadda ay arrintani u leedahay Adeegyada Duulimaadyada, Dalxiiska iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka.

Wasiirku waxa uu sharraxay Wadamada ku yaalla Gobolka Geeska Afrika iyo kuwa Caalamka ee hirgaliyay Siyaasadda Visa On Arrival iyo sida ay u saamaysay dhaqaalahooda, dalxiiska, Hoteel-lada, gaadiidka, gaar ahaan wadamada Rwanda, Ethiopia, Kenya, Oman, Srilanka iyo Ghana iyadoo cel-celis ahaan wadamadaasi uu kobcay dhaqaalahooda dalxiiska iyo isu socodka dadku inta u dhaxaysa 20% ilaa 25%.

𝟓) Qaybinta Qabyo-Qoraalka Xeerka Horumarinta Warshadaha ee JSL. Xeerkan oo ay wadajir u soo diyaariyeen Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha ayaa waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaraddaasi isaga oo sheegay muhiimadda uu kobcinta iyo kor u qaadidda maalgashigu u leeyahay horumarka iyo dhaqaalaha dalkeena.

𝟔) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab) oo ka mid ahaa Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL ee muddo ka badan 80 cisho Gobollada Bariga ugu maqnaa Nabadaynta iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah ayaa si miisaaman uga warbixiyey qaabka iyo hannaanka ay hawlahaasi u waajaheen, caqabadaha ka hor yimid, sida ay u xalliyeen iyo sida ay ku soo af-meereen Guushaa Taariikhiga ah ee ay u soo hooyeen Qaranka JSL.

𝟕) Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey in Arrinta Qaramaynta Ciidamada Maddaniga ay soo gabagaboobay, taasoo ah Guul weyn oo u soo hoyatay Qaranka JSL, maadaama aynu mar kale xaqiijinay dun wanaagga iyo dadnimada wacan ee ay leeyihiin ummadda reer Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu si mug iyo miisaanba leh ugu mahad naqay Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo arrinta Nabadaynta Gobollada Bariga iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah ku hawlanaa ilaa bishii labaad ee sannadkan 2025-ka.

Sidoo kale, Madaxweynaha JSL waxa uu mahad naq milgo leh u diray salaadiinta, cuqaasha, wax-garadka, haweenka, dhallinyarada, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay Guushaa taariikhiga ah ee muhiimadda weyn u leh Qaranka Somaliland JSL.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker