Dawladda Soomaaliya Oo Mar kale ka Digtay in la Qabto Banaanbax Dadweyne

Dawladda  Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin bannaanbax dambe oo lagu qabto magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in go’aankii lagu mamnuucay isu-imaatinnada uu weli sidiisi yhay.

Sidoo kale, Wasiir Xundubey wuxu tilmaamay in sababa Amni iyo kuwa caafimaad loo loojiyay bannaanbaxyada, islamarkaana aysan ogolaan doonin dowladda Soomaaliya.

Maalintii shalay ayaa Golaha Midowga Musharrixiintu sheegeen in ay qaban doonaan bannaanbax maalinta Jimcaha ee 26-ka Febraayo.

Waxa xusid mudan, in bannaanbaxii kaas ka horreeyay uu la kulmay iska hor-imaadyo hubaysan iyo Rabshado ka dhacay Muqdisho.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker