Dawladda Itoobiya Oo Liiska Argagixisada Ka Saaraysa Jabhaddaha ONLF ka Mid Tahay
Addis Ababa (OWN) – Golaha Xukuumadda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Raysal-wasaare Abiye Ahmed ayaa u soo jeediyay baarlamanka dalkaasi in liiska argagixisada laga saaro ilaa saddex ururro mucaarad oo ka jira dalkaasi.
Kooxaha kala ah, Oromo Liberation Front (OLF), Ogaden National Liberation Front (ONLF) iyo Ginbot 7, ayaa mid walba oo ka mid ah waxa uu dalkaasi ka waday halgan hubeeysan oo lagaga soo horjeeday xukuumadda Addis Ababa.
“Golaha Xukuumadda ayaa u gudbiyay qaraarkan baarlamanka, si ay u ansixiyaan, taasoo meesha ka saaraysa in ururrada OLF, ONLF iyo Ginbot 7 loo aqoonsado argagixiso,” sidaa waxaa bartiisa Twitterka ku qoray Fitsum Arega oo ah agaasimaha xafiiska raysal-wasaaraha dalkaasi Itoobiya.
“Go’aankan wuxuu ku dhiiri gelin doonaa kooxahaasi in ay adeegsadaan siyaasad nabdoon oo wada hadal ah oo lagu dhameeyo arimaha siyaasadda,” ayuu hadalkiisii sii raaciyay.
Golaha Xukuumaddu wuxuu sidoo kale u diray baarlamanka sharci damaanad qaadaya ammaanka shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lug yeesha halgannadii hubeysnaa ee dowladda lagaga soo horjeeday, sida laga soo xigta Fitsum.
Baarlamanka, oo ay maamulaan xisbiga talada haya ee isbahaysiga EPRDF, kuwaas oo heysta 547-da kursi ee baarlamanka dalkaasi, ayaa la filayaa in ay meel-mariyaan hindisahan dhawaan.