Ciidamada RSF ee Sudan oo ka hadlay cunaqabateynta Mareykanka saaray
Kooxda Rapid Support Forces (RSF) ee Sudan ayaa cambaareysay cunaqabateynta Mareykanka uu ku soo rogay laba ka mid ah hogaamiyayaasha RSF waxayna ku tilmaameen mid cadaalad darro ah oo laga naxo.
Arbacadii, Mareykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogay ku xigeenka hogaamiyaha RSF Abdel Rahim Dagalo iyo xayiraad dhanka socdaalka ah oo la saaray taliyaha kooxda ee gobolka Galbeedka Darfur, Gen Abdul Rahman Juma, sababo la xiriira xadgudubyo dhanka xuquuqda aadanaha ah.
Mr Dagalo iyo Gen Juma labaduba waxay beeniyeen eedeymaha Mareykanka iyagoo ku tilmaamay kuwo “been iyo marin habaabin” ah.
Bayaan ay maalinti Khamiista soo dhigtay X (oo hore u ahaan jirtay Twitter) RSF waxay ku tilmaantay cunaqabateynta Mareykanka mid “naxdin leh, nasiib darro iyo cadaalad darro”.