Suudaan oo la sheegay in dad ay baahi iyo haraad ugu dhinteen
Mid ka mid ah hay’adaha gargaarka ee ku sugan gudaha Suudaan ayaa u sheegay BBC in dad badan oo ka qaxay kooxda RSF ay u dhinteen baahi ama haraad cimilada aadka u heer kulul awgeed.
Madaxa howlgalada NRC ayaa ku qeexay xaalada ka taagan magaalada Tawila kuwo laga argagaxo, iyada oo in ka badan boqol kun oo qof ay ka qaxeen gobolka ay colaaduhu ka taagan yihiin.
Dadka ugu badan ee xaalada daran ay haysato ayaa ah kuwa ka yimi xerada Zamzam ee la burburiyay.
Mid ka mid ah kiisaska ugu daran waxaa ka mid ah kiiska gabar ay kufsadeen kooxaha hubaysan, iyada oo doonaysa inay magaalada gaarto. Waxaa ay mar dambe u geeriyootay dhaawacyadii soo gaaray.