Taliska Ciidamada Midowga Afrika oo ka kulmay xoojinta howlgalka xasilinta Soomaaliya
Wufuud iyo masuuliyiin sarsare oo ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa shalay isugu yimid magaalada Kampala shir heerkiisu sareeyo, iyaga oo u diyaar garoobaya shir madaxeedka qiimaynta dadaallada socda iyo dejinta jihada istaraatiijiga ah ee nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ee mustaqbalka fog.
Shir madaxeedkan ayaa la isku afgartay booqashadii rasmiga ahayd ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan ku tagay dalka Uganda.
Hogaamiyaasha ayaa go’aan ku gaaray in ay shirarkooda hal-ku-dhig uga dhigaan “In la xasiliyo Soomaaliya,” iyaga oo ku tilmaamay in tani ay tahay hadafka ugu dambeeya ee howlgalka.
Danjire John Mugerwa oo wakiil ka ah xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Uganda Mugerwa ayaa xusay in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay taageereen Fikradda Hawlgalladda ee AUSSOM bishii Agoosto 2024.
Waxa uu ku micneeyay in howlgalku uu haatan marayo wajigiisii koowaad, kaasi oo diiradda lagu saarayo dib-u-dejinta ciidamada iyo in goobaha muhiimka ah ee amniga lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya si loo xaqiijiyo kala-guurka mas’uuliyadaha.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa madax muhiim ah oo ka tirsan ciidamada iyo diblomaasiyiinta oo uu ka mid yahay safiirka Uganda ee Soomaaliya, Prof. Sam Tulya-Muhika; Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Difaaca, Lt Gen Sam Okiding; Taliyaha ciidamada AUSSOM, Lt Gen Sam Kavuma; iyo wakiilo ka socda Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda.