Koox ka tirsan Alqaacida oo 54 Askari ku dishay Benin

Dowlada Benin ayaa qiratay in koox lagu tuhmayo jihaadistayaal ay 54 askari ay ku dileen Waqooyiga dalkaasi toddobaadkii aynu soo dhaafnay, inta u dhaxaysa xuduudka Burkina Faso iyo Nayjar.

Maamulka ayaa horay u sheegay sideed askari oo kali ah laga dilay.

Tirada dib loo eegay ayaa ka dhigaysa tii ugu badnayd inta la ogyahay, tan iyo intii uu bilowday dagaalka muddo ku dhow toban sano.

Weerarka waxaa sheegtay kooxda lala xiriirinayo Alqaacida ee Jamaacat Nusrat al-islam wal Muslimeen, taasi oo fadhigeedu yahay Mali, laakiin sanadihii u dambeeyay balaarisay howlgaladooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker