Adeegyada caafimaadka Qasa oo halis wajahaya

Waxaa laga deyrinayaa adeegyada caafimaadka ee Marinka Qasa, iyadoo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ay sheegtay in isbitaalladu ay wajahayaan weerarro joogta ah oo ay gaysanayaan ciidamada Israa’iil.

Waxaa isugu darsamay xaruumaha caafimaadka daawooyinka oo gabaabsi ah, beegsiga dhaqaalaha caafimaadka iyo weerarro si toos ah loogu gaysanayo mararka qaar isbitaallada.

Inkastoo baaqyo badan loo dirayay ciidamada Israa’iil oo ku aaddan in la ilalaiyo xaruumaha caafimaadka, haddana waxaa muuqata in baaqyadaas aan dhag jalaq loo siin, iyadoo xitaa mararka bukaannada laga saaro isbitaallada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker