Hogaamiyihii Jabhadda Unita ee Dalka Angola oo 17 Sano ka dib markale la aasayo

Hogaamiyihii hore ee urukii fallaagada ahaa ee Unita ee Angola, Jonas Savimbi, ayaa 17 sannadood ka dib mar kale dib loo aasay.

Kumannaan dagaal yahannadii hore ah oo gashan garamo cadcad oo sawirka Savimbi ku yaal ayaa ka qayb galay aaska oo ka dhacay tuuladii uu ku dhashay oo la yidhaa Lopitanga.

Geeridiisii 2002-dii waxay soo afjartay dagaalkii sokeeye ee ugu dabada dheeraa Afrika.

 

 

Ismaan dhaaf todobaadkii hore dhacay ka dib, aya lafihiisii la soo faqay ayaa kama dambaystii qoyskiisii lagu wareejiyey Jimcihii.

Ururka Unita wuxu sheegay in aaskaa xurmada lehi noqon doono tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dib u heshiisiinta qaran ee dalkaa saliidda hodanka ku ah.

Hase yeeshee, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ku warantay cid xukuumadda ka socotaa kama ay qayb galin aaska.

Naxashka waxa lagu dedey calanka Casaanka iyo doogga ah ee ururka Unita.

Angola waxay madal lagu diriro u ahayd dagaalkii qaboobaa, oo Maraykanka iyo dawladdii midab takoorka Koonfur Afrika waxay taageerayeen Unita, halka xibiga MPLA ee talada hayey taageero ka helayey Soviet-kii iyo Cuba.

Ugu yaraan 500,000 oo qof ayaa ku dhintay colaadii 27 ka sannadood socotay.

Yuu ahaa Jonas Savimbi?

Savimbi oo loo yaqaanay “diigga madow” wuxu ahaa shakhsiyad dadku ku kala qaybsanyihiin.

Waxa lagu eedeeyey gumaad baahay lakiin wuxu sidoo kale ahaa hogaamiye soo jiidasho leh oo kumanaan qof xurmeeyaan.

Ciidamada dawladda ayaa dilay 2002-dii isla markiina waxa degdeg loogu aasay xabaalo ku yaal badhtamaha magaalada Luena. Xabaashiisa waxa calaamad u ahayd macatab bir ah oo laga dul taagay ciidda qabriga, sida ay AFP ku warrantay.

Hadda se waxa lagu ag aasay aabihii.

Qoyskiisa iyo xubno ka tirsan Unita ayaa sannado badan dalbanayey in dib loo aaso hase yeeshee aanay u suurto galin.

Diidmadaasi waxay dhamaatay markii ninkii ay muddada dheer colka ahaayeen, Jose Eduardo dos Santos, xilka madxadtinimada iska casilay 2017-kii.

Waxa se sanadkan horraantiisii dalabkaa aqbalay ninkii xilka kala wareegay Joao Louranceo, ogolaaday in lafihiisa la soo qufo oo laga qaado DNA si loo hubsado in lafahaasi kuwii Savimbi yihiin.

Durao Sakaita, oo ka mid ah inamadii waaweynaa ee Savimbi dhalay, ayaa wakaaladda wararka ee Lusa u sheegay in ugu dambayn “qoysku samray” markii dib loo aasay.

Waayihii Savimbi:

  • Wuxuu dhaqdhaqaaqa Unit ka aasaasay 1966 bariga Angola.
  • Waxbarashadiisii caafimaadka uu kaga jiray Portugal ayuu isaga tagay si uu ugu biiro halkankii gumaysiga lagaga soo horjeeday.
  • In kasta oo Angola xorriyad qaadatay 1975-kii Unita dagaalkii way sii waday oo dawladday ka soo horjeedsatay.
  • Savimbi wuxu isku arkayey inuu isagu yahay hogaamiyihii Angola kala dagaalamay shuuciyadda.
  • Wuxu taageero wayn ka helay Maraykanka waxaanu Aqalka Cad kula kulmay madaxweyne Reagan sanadkii 1986-kii.
  • Dhimashadiisii 2002-dii waa looga dabaaldegay caasimadda Luanda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker