Daawo: Waa Kuma Diblomaasiga Maraykenka ah ee Loo Magacaabay Danjiaraha QM ee Soomaaliya

New York (OWN) –Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterras ayaa James Christopher Swan oo u dhashay dalka Mareykanka u magacaabay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya.

James Swan ayaa horey u ahaa safiirka Mareykanka u qaabilsan Jabuuti, wuxuuna beddelayaa Nicholas Haysom oo horey ay usoo cayrisay dowladda Soomaaliya.

Swan ayaa noqon doona qofkii labaad oo Mareykan ah oo noqday ergeyga QM ee Soomaaliya kadib Jonathan Howe oo xilkas hayey 1993-1994.

Xidhiidhka QM iyo dowladda Soomaaliya ayaa xumaa tan iyo markii dowladda ay caydhisay Haysom oo ay ku eedeysay inuu faro-geliyey arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in magacaabistan ay taas wax ka beddesho.Xaqiiqda ah in Swan uu dhashay dalka Mareykanka ayaa sidoo kale la filayaa inay isku soo dhoweyso QM iyo Soomaaliya, maadaama dowladda federaalka ay xiriir wanaagsan la leedahay dowladda Mareykanka.

 

https://youtu.be/f8e1L0p3Ztg

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker