WHO oo ku dhawaaqday in Covid 19 lasoo afjari doono Sanadkaan 2022

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in cudurka faafa ee coronavirus laga adkaan doono sannadkan curtay ee 2022, waa haddiise buu yidhi dalalku ay iska kaashadaan xakameynta fiditaanka cudurka.

Dr Tedros Adhanom ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay “waddaniyadda wareersan iyo tallaalka la keydinayo” bayaan uu soo saaray sanadka cusub.

Hadalka Madaxa WHO ka soo yeedhay ayaa ku soo beegmaya xilli uu laba sano jirsaday cudurka safmarka ee coronavirus.

Kiisaska guud ee dunida oo gaadhay 287 milyan waxaa cudurka safmarka naftooda ku waayey 5.5 malyan oo qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker