Raiisul wasaare Boris Johnson Oo Aad U Amaanay Xiriirka Uu Dalkiisu La Leeyahaay Qatar
Ra’isul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in uu sii xoogeysanayo xidhiidhka dalkiisu uu la leeyahay Qatar, intii lagu guda jiray soo dhaweyn uu ugu sameynayay aqalka Downing boqorka Dalkaasi.
Sheikh Tamiim bin Xamad Al-Thani ayaa dhankiisa soo dhaweeyay kulanka uu la qaatay mr Johnson, isaga oo rajo ka muujiyay in ay sii xoojin doonto xiriirka labada Dhinac.
Masuuliyiinta Dooxa iyo London ayaa isla soo qaaday arimo badan oo quseeya labada dal walow warbaahinta ay dibad joog ka aheyd Kulankaan.
Ra’isul wasaare Johnson ayaa tilmaamay in kulanka u xoojin doono xiriirka labada dhinac ka hor inta uu boqorka Qatar u soo safrin magaalada London.